Haweenayda Ay Israa’iil 46 Sanno Maydkeeda Haysato

Maalmahan oo kale bishii Maarso 1978 kii, Da.laal Maqribi oo ahayd haweenay halgamaa reer Falastiin ahayd, ayaa hoggaamisay hawlgal nafhurid ahaa oo ka dhan ahaa Yuhuudda.

Hawlgakan oo loogu magacdaray Shahiid Kam.aal Cadwaan, Da.laal waxa ay hoggaaminaysay unug ka koobnayd 13 Naftiihure. Waxa aana diyaariyey ururkii Is. raa. iil khaatiga ka dhigay ee Sab.tembarta Madow.

Yoolka hawlgalku waxa uu ahaa in madaxfurasho loo qabsado maxaabiis Yu. huud ah, si loogu beddesho maxaabiista reer Falastiin ee ay Is. raa. iil haysay.

Da.laal iyo unugtii ay hoggaaminaysay waxa ay ku guulaysteen in ay gudaha u galaan magaalada Talaabiib, waxa aanay ugu dambayntii qabsadeen bas ciidamada qaadi jiray xilliyada aanay hawlgalka ku jirin oo askar badani saarnayd.

Ciidamada Is. raa. iil oo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka, dabaabado iyo cudud xooggan  ayaa ka hawlgalay ka hortagga hawlgalkan. Dagaal badan kaddib, Da.laal markii ay aragtay in aanay baska sii haysan karin, waa ay qarxisay isaga iyo askartii saarnaa oo dhammaan ku dhintay. Kaddib iyada iyo ciidankeedii waxa ay ciidamadii Is. raa. iil la galeen dagaal aad u adag, illaa ay rasaastu ka dhammaatya Falastiiniyiinta.

Waxaa goobtii ku dhintay 9 dagaalyahan oo ay ka mid ahayd Da.laal Maqribi, laba ka mid ahna maxaabiis ahaan ayaa loo qabtay.

Ciidamada Is. raa. iil ee hawlgalkaas ka hortagayey waxaa hoggaaminayey E.hud Ba.raak oo mar dambe noqday raysalwasaare. Khasaaraha soo gaadhayna inta la ogyahay, waxa uu ahaa 38 dhimasho ah iyo 86 dhaawac ah. Tiradaas oo ah intii ku dhimatay baska, iyo tiro intii bilowgii hawlgalku socday ay Falastiiniyiintu meelo kala duwan ku dileen ama ku dhaawaceen. Laakiin Is. raa. iil waa ay diidday in ay sheegto tirada ciidamadeeda kaga dhintay hawlgalka qaybtii dambe ee sida tooska ay isaga hor yimaaddeen naftoodhurayaasha.

46 sanno ayaa laga joogaa hawlgalkaas, laakiin illaa hadda Is. raa. iil waxa ay haysataa maydkii Da.laal Maqribi oo ay diiday in ay ehelkeeda u celiso.

Xusuusta xanuunka leh ee uu hawlgalkani ku reebayna waxa uu sababay, in ay ka cadhooto xuska uu sannad kasta maamulka Fa.lastiiniyintu u sameeyo dhimashada Da.laal.

Sannadkii 2016 kiina, Is. raa. iil waxa ay Qaramada Midoobey u gudbisay cabasho rasmi ah oo ay ku dalbanayso in Fa.lastiiniyiintu ay joojiyaan xuska sannadlaha ah ee Da.laal Almaqribi.

FG:

– Sawirka hoose waa Dalaal Almaqribi.

– Sawirro dheeraad ah oo la xidhiidha hawlgalkan, kuna jiraan kuwo laga qaaday Uh.uud Ba. raak oo laad la dhacayo maydka Dalaal, waxa aad ka helaysaa shabakadaha Internet ka.

– Dhacdadan oo faahfaahsan iyo  qisada madax Falastiiniyiin ah oo  ay Is.raa.iil si yaab leh ugu dhex khaarajisay Bayruut waxa aad kaga boagn kartaa buugga “AMIIRKA CAS”

Madaxdaas reer Falastiin ee la khaarajiyeyna waxaa ka mid ahaa Kamaal Ca.dwaan oo hawlgalkan loogu magacdaray.

XIGASHO:

Aljazeera iyo wakaaladda wararka ee Falastiin

Kamaal Marjaan.

Hayaannews, Offie

Hargeysa, Somaliland