Dowladda Shiinaha Oo Shaacisay Inay Ixtiraameyso Madax-bannaanida Soomaaliya

Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqifkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye.

Dowladda Shiinuhu waxay caddaysay inay ixtiraamayso madax-banaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh.

Hadalka Dowladda Shiinaha ayaa imanaya iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya  uga digay Danjireyaasha ka howl-gala Soomaaliya ku xadgudubka madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblomaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed.

Madaxda Soomaalida ayaan wali heshiis rasmi  ah ka gaarin doorashada iyadoo wakiilada beesha caalamkuna ku howlan yihiin sidii xal dama danbeys ah looga gaari lahaa khilaafka jira.