Erdogan oo ka dalbaday Sweden iyo Finland inay usoo gacan geliyaan 130 qof

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay tahay in dalalka Sweden iyo Finland inay dib ugu soo celiyaan dalkiisa Turkiga, illaa 130 qof oo ay xukuumadda Ankara ay la xidhiidhinayso falal argagixiso, ka hor inta aan baarlamaanka Turkigu aanu ansixinin ku soo biiritaankooda ururka NATO.