#SOMALILAND: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo Ka Hadlay Xaalada LAASCAANOOD.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed,

“Madaxweynaha JSL ayaan Talo Kula Soo Laabtey Dawladuna Waxay Diyaar u Tahay Wada Hadal aan Shuruud Lahayn..”

Hargeysa (Hayaannews) Guddoomiyaha Golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo safar hawleed ku tagay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in uu Hargeysa ugu soo noqday si uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi xog uga siiyo xaalada gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu mar kasta diyaar u tahay wadahadal bilaa shuruud ah iyo in arrimaha laga eego dhinaca wanaagsan, waxa uu sheegay in diyaar looyahay in madaxda dhaqanka lagala hadlo tabashooyinka ay qabaan, amaba arrimo ka waa wayn oo masiiri ah.

Golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa uu madaxweynaha JSL ku ammaanay tallaabada uu ciidamada kaga saaray magaalada Laascaanood si dhibaatada loo yareeyo, waxaanu sheegay in tallaabadaasi ay keentay guul wayn, waxa uu sheegay in xukuumadu sidaas u samaysay si shacabka taladooda loogu madaxbanneeyo.

Waxa uu sheegay in shirka Laascaanood uga socda madaxda dhaqanka uu ka rajaynayo in aanu wax dhibaato ah u keenayn Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay ka soo bixi doonin wax wamaagsan. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayan waxa uu yidhi “Waxa aan safar ku tagey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, aniga oo ka soo kicitimay waddanka Turkiga, dhibkii dhacayna aynu wada ogayn dhammaanteen, waxaan u tagey markii aanu kulanay madaxweynaha iyo madaxdii kale ee dalka, si aan xog ogaal ugu noqdo xaalada ka jirta magaalada Laascaanood, iyo in aan xog dhab ah la wadaago madaxweynaha, taasi ayaan hadda la soo laabtay in aanu warbixin kala qaadano madaxweynaha.

Waxaan madaxweynaha iyo dawladdaba uga mahadnaqaya in talo soo jeedintii ahayd in ciidamada magaalada gudaheeda laga saaro si loo yareeyo dhibaatada loona ilaaliyo dareenkii shacabka ee kacay, in sida ay ahayd ay u fushay ilaa iyo haddana arrintaasi ay keentay guul weyn, wax dhib ah oo cusubina aanay dhicin marka laga reebo intii dhacday maalmihii hore.”

Guddoomiye Cabdirisaaq Khalif Axmed waxa uu sheegay in shirka Isimada uga furmay magaalada Laascaanood uu si nabadgelyo ah ugu furmay. Waxaanu yidhi.“Waxa kale oo aan u tagey maadama uu jiray kacdoon iyo dareen shacab baaqna uu jeediyay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo ahayd in Garaadadu isugu yimaadaan magaalada Laascaanood, arrintaasina sidii ay si nabadgelya ah ugu hirgelilahayd, dadkana taladooda loogu madax bannaanayn lahaa, oo iyagu u tashan lahaayeen, wax culays iyo furfur iyo dhib ahna aanay ciddina u gaysanin oo iyaga taladooda loo madax bannaaneeyo oo aanay u dareemin riixis iyo gacan bidixayn. dhab ahaantii taasina si wanaagsan ayay u dhacday, oo qayb weyna ay ka ahaayeen ciidamadii degaanka u dhashay ee joogay, oo ilaa haddana amniga gudaha magaalada gacanta ku haya.

Ilaalintii iyo dhawristii madaxdii dhaqanku lahaa iyo milgahoodiina qayb weyn ka qaatay iyagana mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa,”

Golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa uu rajo weyn ka muujiyay shirka Isimada dhaqanka uga socda magaalada Laascaanood, oo uu sheegay in uu ka rajaynayo in wax dhibaato u keena Somaliland aanay kasoo bixi doonin. Waxaanu yidhi “Waxaan rajeynaya in shirkaas u socda Isimada, cuqaasha, aqoonyahanka, culimada iyo waxgaradka in uu noqon doono shir midho dhal ah, oo wax dhib ku ah dalka iyo dadka midna aanu ka soo bixin,”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo safar ku tagay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in uu Hargaysa ugu soo noqday si uu madaxweynaha xog uga siiyo xaalada gobolka Sool.

Waxaanu yidhi.“Waxa aan madaxweynaha kula soo noqday in dadku taladoodii u fadhiyeen iyagana aanan ka filayn wax dalka iyo dadka dhib ku noqda, oo ay tahay in iyaguna marka koowaad taladooda u madax bannaanadaan marka labaadna kacdoonkan midhihiisi la helo, oo aanay ka dhalan dhib ka weyn iyo xumo dalka iyo dadka midna gaadha, waxa aanu rajeynaynaa shirka beeshu isugu timid magaalada Laascaanood oo aanay muddo dheer dhicin in ay isu yimaadaan oo aan dareemayo in hada ay taladoodii gacanta ku haystaan cid culays saartayna aanay jirin, siyaasada dawladduna tahay in ay iyagu wada tashadaan dawladduna markasta diyaar u tahay wada hadal aan shuruud lahayn, wax walbana in laga wada hadli karo, oo shacabka iyo madaxda dhaqanka ee degaanka lagala hadlayo waxkasta ama tabasho ha noqoto ama ha ka weynaato oo arrimo masiiriya ha noqotee inay dawladdu diyaar u tahay, ayaan halkan ka caddaynayaa,”

“Madaxweynaha waxaan kala kulmay soo dhaweyn fiican oo ahayd in go’aankii hore ee uu qaatay uu ku soconayo oo ah in ciidamadu dibada ka joogaan magaalada, loona madax bannaaneeyo bulshadu inay shirkeeda qabsato, wixii ka soo baxana uu diyaar u yahay in uu dhinaca wanaagsan ka istaago,” ayuu yidhi guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed,

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com