Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Si Diiran Loo Soo Dhaweeyey.

Hargeysa (Hayaannews) -Qaar ka mid ah xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad mudane,  Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Guddoomiye-ku-xigeenka 4-aad ee xisbiga, ahna Wasiirka Ganacasiga mudane, Maxamuud Xasan Saajin, wasiirro ka tirxsan Xukuumadda iyo qaar ka mid Taliyeyaasha Ciidammada Somaliland iyo masuuiliyiin kale, ayaa ku soo dhaweeyey madaarka diyaaraha ee Hargeysa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE mudane,  Maxamed Kaahin Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib muddo uu xaalado caafimaad dibadda ugu maqnaa.

Wasiir Maxamed Kaahin oo kadib soo dhawayntiisa warbaahinta la hadlay, waxa uu si weyn ugu mahadceliyey masuuliyiinta soo dhaweeyey iyo dadweynaha reer Somaliland oo muddadii uu xannuunsanayey ducada la barbartaagnaa, waxaanu sheegay in hadda caafimaadkiisu taam yahay ALLE ha ugu wadee.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net loo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com