SOMALILAND: Gabadh Kufsi Iyo Dil Loogu Geystay Magaalada Hageysa Iyo Dareenka Ka Dhashay

Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u naxariiste Hinda Cumar ayaa Kufsi iyo jidh dil loogu geystay Xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kadib markii laba nin oo bas watay ay kufsadeen Marxuumadaasi.

Sidaa waxa Warbaahinta u xaqiijiyay mid ka mida ehelada Marxuumadaasi, waa dhacdo fool-xum oo guud ahaan shacabka reer Somaliland aad uga naxeen.

“Gabadh Kufsi Iyo Jidh Dil Loo Gaystay U Geeriyootay Magaalada Hargeysa” Ayey tidhi mid ka mida ehelada marxuumadaasi

Dadweynaha ku nool Xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa ayaa isugu baxay halkaasi, waxaanay dhamaantood ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin ‘Hinda Cumar cadaalad ha hesho, Hinda Cumar Cadaalad ha hesho iyo ereyo ay ugu doodayan Marxuumadaasi geeriyootay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com